Askari taliyihiisa dhaawacay oo xukun lagu riday

0

Maxkamadda Ciidanka qalabka sidda ayaa xukun ku riday  Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale oo lagu eedeeyay in uu ku furay dhowr xabadood nin taliye u ahaa oo lagu Magacaabo Yuusuf Daahir Cali, waxaana soo gaaray dhaawac.

Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda dambi baarista Boliiska (CID)  kadib markii uu dhaawac sababay in lugta laga gooyay uu u geystay taliyihiisii Yuusuf Daahir Cali oo ay ka wada tisanaayeen Ciidamada Booliiska 23-ka bishii lixaad ee sanadkan.

Sagaalkii  bishaan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay  Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore.

18-kii bishaan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda  Qiraalka eedeysanaha,  ciidamadii ay ka wada tirsanayeen ciidanka Booliiska oo ku  marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay  dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda  Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan  Aadan Wabiyow.

Axmed Cali Cawaale ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad.