Koox dhac ka geysan jiray Muqdisho oo la qabtay.

0

Wasaaradda amniga Xukuumadda Fedaraalka  Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Degmooyinka Gobolka Banaadir ay kusoo qabteen Burcad dadka rayidka ah dhac iyo Dilba ugeesan jiray.

C/Naasir Siciid Muuse,  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Xukuumada Soomaaliya ayaa Howlgalka Ka dib sheegay in xabsiyada ay ku jiraan burcad badan oo loo xiray dhaca ay ka wadeen Muqdisho islamarkaana dhawaan loo gudbinayo hay’adaha garsoorka. Si Loo mariyo Sharciga. Howlgalkan ayaana si gaar ah laga sameeyay Degmada Warta Nabadda.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay xil weyn iska saartay xaqiijinta amniga Magaalada Muqdisho,sidoo kalena ay ciidamo dheeraad ah geysay xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho taas oo sababtay in gacanta lagu dhigo dadka dhaca geysanayay.

Waxaa uu dadweynaha Magaalada Muqdisho ka codsaday in ay ciidamada amaanka kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga Magaalada ciidankana gacan siiyaan.