Akhriso:-In Ka Badan 50 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaalkii Dhumay

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Dagaalka oo geystay khasaare xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu u dhexeeyay 2 Beelood oo wada daga deegaanka Dhumay ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 57 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 85 kale oo u badnaa dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Xiisada u dhexeysa labadan Beeleed ayaa muddo dheer soo jirtay, waxaana ay salka ku heysa arrimo la xariira aanooyiin Qabiil.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi Sool.