Shirka Madaxda Gobaleedyada oo Maalintii labaad Galay

0

Waxaa maalintii labaad Magaalada Garoowe ka soconaya Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada ee ka jira dalka.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa ku sugan Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Kulanka ayaa maanta waxaa looga hadli doonaa Siyaasada Arimaha Dibada, iyo dhaqaalaha ku baxaya Dowlada dhexe ee Soomaaliya, sida aan ka soo xigay ilo wareedyo ku sugan Goobta uu shirka ka dhacaya.

Shalay Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada ayaa waxaa uu shir ugu furmay Magaalada Garoowe, waxaa ayna shirkooda ugu hadleen qodobo ay ka mid yihiin Amniga, Dastuurka, doorashada Qof iyo cod ee ka dhacaysa Sanadka 2020-ka iyo Arimo kale, iyagoona eedeyn u jeediyay madaxda Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.