DHAGEYSO+DAAWO:- Musharax Qurbaawi oo ka hadlay Shirka Garowe iyo Arrimo kale

0

Musharax Madaxweyne Puntland 2019 Mudane Siciid Cali Axmed oo ku sugan dalka Maraykanka isla markaana waraysi gaar ah sinayeey warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa ka hadlay shirka madaxda dowlad gobaleedyada uga socda Garoowe.

Siciid ayaa sheegay in shirkaas uusan ka duwanayn shirarkii horre ,isla markaana uu horseed u yahay shirkaas duminta dowladnimadda,isago uga digay shacabka somaliyeed.

Wuxuu sheegay in saansantoodu ay u egtahay Hogaamiye kooxeedyadii dalka soo marray,wuxuuna qurbaawi intaas ku darray in shirkaas uu yahay baadil.

Wuxuu kale uu ka hadlay Wafdi uu hogaaminayo boqor burhaan oo gaaray magaaladda Badhan halkaas oo uu kusoo dhaweyeey Suldaan Cabdisalaan,isago boqorku halkaas u tagay xalinta shaqaaqooyin dhacay.