DHAGEYSO:- Wasiirkii horre Amniga DFS oo ka hadlay Arrimo Xasaasi ah

0

Wasiirkii Hore Ee Amniga Soomaaliya haatana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya Cabdi Risaaq Cumar ayaa Ka Hadlay dhibaatooyin Booliska soomaaliya Ku hayaan qaar Kamida Shacabka Degmada Wada Jir.

Ciidmada booliska gobolka banaadir ayaa degmada wada jir gaar ahaan waaxda nasteexo iyo siligii horre ee Americanka ay ka wadaan barakicin dad shacab ah isla markaana ay tacadiyo iyo dil ay booliska u geeysteen shacabka halkaasi ku nool taasi uu xildhibaanku ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan karin.

Xildhibaa Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ku baaqay in la joojiyo Bur burinta hada ay ka wadaan Xaafada Nasteexo ee Dagmada wadajir ee Gobolka Banaadir,