Al-Shabaab oo odayaal ka afduubtay Gobalka Gedo

0

Wararka ka imaanaya tuulooyin hoostaga deegaanka fax faxdhuun ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi xalay ay ka kaxeysteen dagaalamayaasha  al-shabaab odayaal iyo dhalinyaro, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen sida la sheegay inay basaas u ahaayeen dowladda soomaaliya iyo waliba mareykanka.

Sarkaal diiday magaciisa iyo codkiisa in loo adeegsado warbaahinta ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaasha  al shabaab ay ka kaxeysteen odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada intaba  balse aysan ogeyn halka ay la aadeen dadkaasi.

Gobalka Gedo ayaa maal mahaan waxaa ka dhacayay duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha dowladda Kenya wallow arintaasi cabasho ballaaran laga muujiyay.

Sarasakiisha ciidamada xoogga dalka qeybtooda gedo ayaa sheegay inay wadaan howlgalo lagu baadi goobayo dadka ay ka ka xeysteen al-shabaab deegaanka Faxfaxdhuun ee gobalka Gedo.