AKHRISO:- Shirka Xirfadleyda Teknoloojiyada Oo Muqdisho Ka Furmay

0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md Cabdi Sheekh Axmed, ayaa si rasmi ah u furay shirka xirfadleyda teknolojiyada ee Soomaaliya Network Operators Group (SomNOG), kaas oo isku keenay khubarada internetka, shirkadaha ka ganacsada internetka, bahda waxbarashada iyo dadka daneeya arrimaha internetka Soomaaliya.

Shirkan oo hal-hayskiisu yahay “Sida internetku u xoojiyo dhaqaalaha dalka,” ayaa imanaya maalin kadib markii SomNOG ay soo xirtay aqoon-isweydaarsi socday afar maalmood oo loo qabtay xirfadleyda internetka ee dalka, waxaana shirkan looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin sida loo dhisi karo Xarunta Isku-xirka Internetka (IXP), Hirgelinta IPV6, sida ay shirkaduhu u wadaagi karaan qalabka isgaarsiinta, iyo shuruucda internetka iyo maamulkiisa.

Guddoomiyaha SomNOG, Eng. Axmed Siyaad, ayaa sheegay in shirkan uu yahay madal sanadle ah oo la qabto xilligan oo kale, waxay ka kooban tahay siminaarro, shirar iyo kulamo ay isku bartaan bahda internetka Soomaaliya. Shirkan oo ah kii saddexaad ee la qabto, waxaa ka qeybgalaya illaa 150 xirfadley iyo aqoonyahan ka shaqeeyaha arrimaha isgaarsiinta iyo teknoolojitada.