TOPNEWS:-Maxay ka wada hadleen Taliyaha Xoogga iyo Hogaamiyaha Jubbaland

0

Hogaamiyaha jubbaland Axmed madoobe ayaa Aqalka Nabadda ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo maanta Gelinki hore soo gaaray magaalada Kismaayo.

Kulanka oo Saxaafada banaanka ka joogtay ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin howlgallo dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo markii uu tegay Kismaayo Saxaafada la hadlay ayaa sbeegay in u jeedku uu yahay sidii uu ula socon lahaay xaalada ay ku nool yihiin Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyees.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in taliye Indha-Qarshe uu booqdo Xeryaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Jubbada hoose,isaga oo warbixino ka dhsgeysan doona saraakiisha Ciidamada.