Taliyaha Xoogga dalka Jen. Indha Qarshe oo lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo

0

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubadda Hoose, iyadoo si diirran loo soo dhoweeyay.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jen. Indha Qarshe ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa la dejiyay guriga martida ee Kismaayo, halkaasoo uu kulan kula leeyahay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee qeybta Jubbooyinka.

Tagitaanka Taliyaha xoogga dalka ee Kismaayo ayaa ku soo aaday, iyadoo uu muddooyinkii u dambeeyay xumaa xiriirka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa horay uga soo celiyay magaalada Kismaayo Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka, iyadoo Jubbaland ku tilmaamtay in magacaabidaas aan lagala tashan.