DHAGEYSO:-Wasiirka Dastuurka iyo dib heshiisiinta Galmudug oo eedayn kulul u jeediyay Sheikh Maxamed Shaakir Cali Maxay Tahay Sababtu?

0

Iyadoo wali xal laga gaarin khilaafka curyaamiyay madaxda maamul gobaleedka Galmudug oo u kala jabay laba garab oo kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa eedeyn loo jeediyay madaxa xukuumada Galmudug Maxamed Shaakir Cali inuu ka danbeeyo khilaafka ragaadiyay maamulka.

Wasiirka Dastuurka iyo dib heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Nuur ayaa ku eedeeyay Madaxa Xukuumada Galmudug Maxamed Shaakir Cali inuu ka danbeeyo khilaafka xoogan ee ka dhax aloolsan Madaxda maamulka Galmudug.