AKHRISO:-Madaxweynaha Galmudug oo Sheegay in Al-Shabaab laga saarayo Degmada Xararheere ee gobolka Mudug

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa booqday xerada Ciidanka daraawiishta Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf oo markii ugu horreysay xirtay dharka Ciidanka tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Galmudug ayaa Ciidanka ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Galmudug dhawaan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ku sugan degmada Xarardheere.

“Waxaan maanta booqday xerada Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taala duleedka Magaalada Galkacyo, waxaana Ciidamada daraawiishta faray in ay u diyaar garoobaan sidii dib loogu soo celin lahaa deegaanada ay shabaab ka haystaan Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu Askarta ugu baaqay inay marwalba xirtaan dharkooda labiska marka ay shaqo ku jiraan taasna ay muujinayso masuuliyada ka saaran Shacabka Galmudug