Akhriso:-Diyaarado duqeyn ka geystay duleedka Kismaayo

0

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxa ay duqeyn ka geysteen degaanka Buula Xaaji oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Diyaaradaha ayaa dhawr gantaal la helay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo uu ka daarnaa Dab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray dadkaasi.

Waxaa la sheegay in duqeyntan ay ku geeriyoodeen Saddex wiil oo dhalinyaro ah, halka mid kale oo ku dhaawacmay duqeyntan dhaawiciisa gaari Dameer loogu qaaday magaalada Kismaayo.

Goobta ay diyaaradahan duqeynta la heleen ayaa waxaa la sheegay in aysan ku sugneyn xubno ka tirsan Al Shabaab, keliya dad shacab ah lagu waxyeeleeyay.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay dhibaato ku qabaan diyaaradaha duqeymaha geysanaya, waxayna dowladda dhexe ugu baaqeen inay wax ka bedesho qorshahan.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda duqeyntan, balse maalmihii la soo dhaafay diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan gobolada Jubbooyinka.