Akhriso:-AMISOM oo dad Shacab ah ku dishay Balcad

0

Qaar Ka Mid ah Shacabka degmada Balcad ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM  laba ruux oo shacab ah ay ku dileen Bartamaha Magaalada.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ay dar dareen dadkaasi oo watay gaari dameero sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Balcad, waxaana goobta ay wax ka dhaceen gaaray Ciidamada Ammaanka degmada iyo maamulka.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM dilka ka dib ay  ka dhaqaaqay goobtii ay falka ka gaysteen,Laakiin ay baaris bilaabeen Ciidamada Booliska degmada Balcad