XOG:-Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo Garoonka Muqdisho Lagu Xayiray

0

Waxaa Maanta mudo kooban Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho lagu xayiray Xoghayaha Rugta ganacsiga Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin.

Xilliga la xayirayay ayaa waxa uu Guddoomiyaha ka yimid dalka Turkiga oo uu uga qayb galay shir looga hadlayey ganacsiga Africa iyo Turkiga oo dalkaasi lagu qabtay.

isaga oo la hadlay Tv-ga ku hadla Afka Dowlad Goboleedka jubbaland ayaa waxa uu sheegay in meel gooni ah la fariisiyay,isla markaana laga qaaday sharcigii uu watay,iyada oo aan loo sheegin sababta.

Waa markii labaad oo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho lagu xayiro,welina laamaha amniga Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland kama hadlin.