TOP NEWS:- RW Khayre oo Shaqo joojin ku sameyeey Wasiir: Waa kuma Wasiirkaas?

0

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaqo joogin ku sameeyey wasiir-ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda Soomaaliya Maxamed Khaliif Diiriye, kadib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Warqadan ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la ogeysiiyay wasiirka iyo Wasiiru dowlaha ganacsiga Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo.

Shaqo joojinta lagu sameeyay wasiir-ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda Soomaaliya ayaa waxa ay ka dambeysay kadib soo jeedin ka timid xeer ilaalinta guud ee Qaranka.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa shaqo joojintan lagu sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.

Xafiisyada xeer ilaalinta iyo hantidhawrka ayaa maalmahan dambe waxa ay wadeen hawlgal ay kula dagaalamayaan arrimaha musuq maasuqa ee qaarkood lagu sheegay xafiisyada dowladda.