Dad loo xiray dilka Marxuum Axmed Dowlo

0

Eng Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo bartiisa Twitter-ka  ayaa Waxaa uu shaaaca ka qaaday  in gacanta lagu soo dhigay Saddex ruux oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen  dilkii iyo gubistii Marxuum Axmed Dowlo.

“Maamulka Degmada Yaqshid iyo Booliiska waxey ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo. Waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada. Waqtigii danbiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay.”

Sababta loo bartilmaameedsaday ayaa la sheegay in ay tahay wiil uu adeer u yahay oo jeclaaday gabar ka soo jeedda mid ka mid ah qabaa’ilka ku xooggan Muqdisho.

Axmed Muqtaar Axmed Dowlo ayaa la dilay 20 ka bishii Septeber, kadib markii , si arxan dara ah u dileen marxuumka.

Marxuumka Axmed Dowlo ayaa waxaa dilay dad lagu qiyaasay 15 qof, kuwaasoo ku hubaysnaa middiyo baangado iyo eebooyin, sida ehelada marxuumka ay ku warramayaan.