AKHRISO: Senetaro ka jawaabay eedeyn kaga timid Galmudug

0

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka jawaabay eedeyn dhawaan kaga timid maamulka Galmudug ,taasoo aheyd in ay xildhibaano kasoo horjeedda maamulka Galmudug ay ku daadgureynaayaan Magaalada Cadaado.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in door dhexdhexaadin ah ay qaadanayaan Khilaafka Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.

Waxa ay beeniyeen in ay taageeraan Xildhibaanada ku sugan Magaalada Cadaado, waxaana ay ugu baaqeen Madaxda Galmudug in ay xaliyaan Khilaafka ka dhex taagan.