Akhriso:-Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Lagu Dhawaaqay

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa Maanta ku dhawaaqay Xubnaha Gudddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka kooban 15 Xubnood,waxaana dhamaantood ay ka mid yihiin Xildhibaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,kuwaas oo diyaarinaya qaabka ay u dhici doonto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.