TOPNEWS:-Galmudug oo shaacisay magacyada Wasiiro, Xildhibaano iyo Senator faragelin ku haya maamulkooda

0

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay inay jirto faragelin weli dowladda Federaalka ku heyso, isla markaana uu maalmahan bilowday abaabul hor leh.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay wado burburinta Heshiiskii ay wada galeen Ahlusuna iyo Galmudug, isla markaana loo adeegsanayo Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan oo gaaray Cadaado.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Masagawaa oo ka hadlayay war saxaafadeedka ayaa sheegay in dowladdu faragelinta ay ku heyso u adeegsaneyso dhaqaale, isagoo si gaar ah u xusay xubnaha abaabulka xowliga wada ay hoggaaminayaan Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud Axmed Qoor-qoor, Xildhibaano iyo Senator ay ka mid yihiin Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer iyo Senator Yuusuf Geelle Ugaas.