Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo DF ugu baaqay inay la timaado siyaasad furfuran

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dadka xukuumada aan ku jirin inay saaran tahay masuuliyad wadareed, balse masuuliyadda gaarka ah saaran tahay xukuumadda, baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Wuxuu sheegay dowladda in looga baahan yahay inay la timaado siyaasad furfuran oo ay kula dhaqanto mucaaradka, islamarkaana ay qaadato dhaliisha ku aadan hawlaha ay ka gaabisay, wixii ay ku hormartayna lagu amaano.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan wax xun aheyn hanaanka mucaaradnimada, loona baahan yahay in dowladda loo sheego hawlaha ay ka gaabisay, si ay horey ugu sii socoto.

“Dadka xukuumada aan ku jirin ee banaanka jooga waxaa saaran masuuliyad wadareed, masuuliyadda dadka ay saaran tahay waa dowladda, waxaa laga rabaa inay la yimaadaan wax soo saar dhinac kasta ah, waxaan qabaa mucaaradnimadu ma xuma, hadii ay tilmaamayaan wax qaldan waa inay dowladdu saxdaa, dalkan waa dal dimuqradi ah, dowladda meeshii ay ka gaabisay waa loo sheegaa, meeshii ay hormarisayna waa lagu ammaanaa”. ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu talada dalka hayay ahaa mucaaradka fursad ay ku dhaliilaan dowladda aanan siin jirin, iyada oo caburin xoogan uu ku sameyn jiray warbaahinta dhaliili jirtay dowladdiisa.