Xubno Shabaab ah oo lagu qabtay Baydhabo

0

Ciidamada amaanka ayaa magaalada Baydhabo xalay ku qabtay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku hubeysnaa Bistoolad.

Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Amaanka ayaa waxaa gacanta ku dhigeen labo nin ka tirsan Al-Shabaab,waxaana howgalka uu ka dhacay Guri ku yaala Xaafada  Horseed ee Magaalada Baydhabo.

Xubnaha  la soo qabtay ayaa waxaa la sheegay in islaxalay la dhigay xabsi ku yaalla magaalada Baydhabo, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah, sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidanka Magaalada Baydhabo.

Taliyaha booliska degmada Baydhabo oo gacanta ku dhigay raggan ayaa sheegay inay maleegayeen xilligii la soo qabanayay falal Amni daro.

Maalin ka hor ayay aheyd markii labo qarax oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen laba maqaaxi oo ku taalla  bartamaha magaalada Baydhabo, waxayna qaraxyadaasi geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.