DHAGEYSO:-TOP NEWS Xildhibaano Dhusomareeb ku sugan oo Xaaf Mooshin ka keenay

0

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug gaar ahaan kuwa ku sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay shaaciyeen inay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanadaas oo qaarkood la soo xiriiray Allgalgaduud ayaa waxa ay sheegeen in guddoonka ay u gudbin doonaan mooshinkaas,isla markaana uu socdo qorshihii ugu dambeeyay.

Xildhibaan Muxudiin Cali Jimcaale(Jakuula) oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa Allgalgaduud u sheegay in xildhibaanada mooshinka wada ay gaarayana ilaa 50 Mudane,isla markaana isaga uu ka mid yahay Xildhibaanada saxiixay.