Xukumada Oo Sheegtay In Ku Dadaaleyso Dhismaha Ciidanaka

0

Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga Xukumada Soomaliya Xasan Maxamed Cali (amar danbe) ayaa sheegay in Dowlada ay wado qorshayaal lagu dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka ka dib markii kulan uu la qaatay xubno ka socday Gudiga Difaaca ee Barlamaanaka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan la kormeeray dhamaan Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna bogaadiyey dadaalka ay wadaan Saraakiisha Ciidamada isagoona Gudiga Difaaaca Barlamaanaka ugu mahad celiyey howlaha kala duwan oo ay kula xisaabtamayaan Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federalka ee Soomaaliya.

Wasiir amar danbe ayaa sheegay in dhawaan xubno ka socda gudiga Difaaca iyo wasaarada Gaashaandhigga si wadajir ah ay socdaalo ay ugu sameyn doonaan talisyada kala duwan ee Ciidamada xoogga Dalka ee ku  yaalla Maamul goboleedyada Dalka booqashadaasi ayuu sheegay in ay ugu kuurgalayaan xaaladaha dhabta ee ciidamada ku sugan Caasimadaha maamul Goboleedyada.

Tani ayaa ka danbeysay ka dib markii saacadihii la soo dhaafay kulan su”aallo weydiin ah uu la qaatay xubno ka socday Gudiga Difaaca ee Barlamaanaka Soomaaliya kaasi oo leyska xog wareysanayey Amniga Dalka.