Weerar xalay ka dhacay Baydhabo

0

Wararka laga helaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar khasaare dhaliyay lagu qaaday xalay guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in weerara uu ahaa mid Bambo Gacmeed lagu tuuray Hoyga ay degan tahay Gudoomiyaha ururuka haweenka Gobalka bay.

Inta la og yahay 2 Ruux ayaa ku dhaawacan tahay weerarkaasi, iyadoona dadkii ku dhaawacmay loo qaaday Isbitaalada ku yaala Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.

Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in labo qof ay ku dhaawacmeen bam gacmeedka, waxaa ayna kala ahaayeen askari ilaalo u ahaa Gudoomiyaha Ururka Haweenka iyo gabar guriga joogtay.

Ciidamada amaanka ayaa xalay ilaa Saaka waxaa ay baaritaano ka wadaan Gudaha Magaalada Baydhabo.

Baydhabo ayaa hada waxaa ka socda ololihii u dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.