Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmaya Gudiyada Amniga iyo difaac ee Golaha Shacabka.

0

Maanta waxaa lagu wadaa magaalada muqdisho inay kulan kula qaataan gudiyada amniga iyo difaaca ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda soomaaliya xasan cali Maxamed Amar dambe iyo taliyaha xoogga dalka soomaaliyeed general daahir aadan cilmi indha-qarshe.

Wasiirka iyo taliyaha ayaa lagu wadaa in wax laga weydiiyo amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah al-shabaab ee qeybo kamid ah dalka ka soconaya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wax laga weydiin doono masuuliyiintani dagaalka dadka shacka ah iyo al-shabaab ku dhex marayo qeybo kamid ah gobalka shabelleha dhexe kuwaasi oo lamagac baxay macawiisley iyo taageerada looga baahanyahay dowladda dadkaasi inay kula garab istaagto.

Arintaan ayaa timid Kadib  markii Suuqa bakaaraha lagu sheegay in dhac ay ka geystaan rag bur cad ah ee ku labisan dareeska ciidamada kuwaasi oo dadka shacabka ah ka qaadanaya waxyaabaha ay sitaan hayeeshee caabsho balaaran laga muujiyay.

Waxaana xusid mudan in beryahaan dambe la hadalhayay kooxo hubeysan oo dhac ka geysanaya degmooyinka gobalkaan banaadir kuwaasi oo walaac badan marka laga muujiyay la dhigay isgoysyada qaar ee gobalkaan banaadir ciidamo ka hortagaya dhaca habeenkii la geysto.