Shirkadda DP World Oo Dekad Ka Dhiseysa Soomaaliland

0

Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdulalahi Ismaaciil seylici iyo Xubno Wasiiro ah oo la socda ayaa waxa ay gaareen Magaalda Berbera,iyada oo halkaasi oo loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay inay ka qeyb geli doonaan munaasabad lagu dhagax dhigayo dhismaha dekad labaad oo laga dhisayo Magaladaas,isla markaana ay dhiseyso shirkada DP World.

Dekadaan labaad oo Berbera ay ka dhiseyso Shirkada DP World ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii Soomaaliland iyo DP World ay horay u kala saxiixdeen,waxana munaasabada ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Muuse Biixi balse ay wax isbedeleen.

Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka imaaraadka Carabta ayaa horay looga mamnuucay Soomaaliya inay ka Shaqeyso,waxaana haatan ay si buuxda u maamushaa dekadaha Berbera iyo boosaaso ee Maamulka Puntland.