DHAGEYSO:-Guddoomiye Cali Gacal oo sheegay in Cadaado ay ku dooranayaan madaxweynaha Galmudug

0

Cali Gacal Casir oo xildhibaano horey ugu shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa wuxuu sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii shalay xildhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay u doorteen Ismaaciil Cabdulle Axmed.

Wuxuu sheegay Cali Gacal in sidoo kale ay bedelayaan guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo lagu tiriyo inuu la safan yahay Galmudug garabka Xaaf.