Akhriso:-Maxaa Looga Hadli Doonaa kulanka maanta ee golaha shacabka

0

Xildhibaanada baarlamaanka golaha shacabka BJFS ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka bisha October 2018 kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa xalay loo diray fariimo loogu sheegayo in maanta uu jiro kulanka baarlamaanka, islamarkaana laga doonayo inay xarunta ku yimaadaan aqtiga lagu balamay.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ajandihiisa wuxuu yahay xisaab xirka misaaniyadda dowladda 2017.

Ciidamada booliska Soomaaliya ee qaabilsan ilaalinta xarunta golaha shacabka ayaa waxa ay xireen aagga xarunta golaha shacabka, waxayna gaadiidka u diidayaan wadooyinka xarunta baarlamaanka.