AKHRISO:- Gaalkacyo oo Banaanbax looga soo horjeedo Dilalka qorshayn ka dhacay.

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta waxaa ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo dilalka qorshaysan ee ka dhaca gobolka Mudug gaar ahaana magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Dibad baxan maanta oo hormuud u ahayeen Bahda Ciyaaraha ee degmada Gaalkacyo iyo Haweenka ayaa dadkii mudaharaadkaas samaynayey ay ku muujinayeen sida ay uga xunyihiin dilalka dhalinyarada loogu gaysanaya Gaalkacyo.

Dadkii dabad baxaas dhigayey ayaa ku dhawaaqayey Erayo ay kamid tahay Dooni Mayno Odayaasha iyo Halku dhegyo kale kuwasoo ay uga dalbaneyeen dawlada in wax laga qabto dilalka qorshayn ee ka dhacay Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha gobolka Mudug Maxamed Muuse Salwe oo ka qayb galay Dibad baxii maanta ayaa sheegay inay dhalinyarada Ciyaartoydu aad uga xunyihiin dhacdadii lagu dilay Xaamid Cabdulaahi Wardheere oo lagu dilay Gaalkacyo.

Maahan markii ugu horaysa dibad bax looga hadlayo dilalka qorshayn uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee xaurnta gobolka Mudug Bishii Mach 2017 ayaa sidan oo kale Gaalkacyo uga dhacay dibad bax looga soo horjeedo dilalka qorshaysan ee loogu gaystay Waxgaradka iyo Dhalinyarada.