Akhriso:-Ciidamo Hubeysan oo Xalay Lagu Arkay Suuqa Bakaaraha

0

Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay gudaha usoo galay Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho,kana sameeyay Howlgalo dadka iyo Gaadiidka lagu baarayay.

Ciidamadda ayaa lagu arkayay Wadada koowaad iyo tan labaad ee suuqa bakaaraha iyo qeybo kamid ah jidka wadanaha, halkaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay kusoo bateyn dhaca loo geysanayay dadka shacabka ah xiliga ay soo galaan Suuqa iyo xiliga ay ka baxayaan.

Mid kamid ah dadkii la kulmay baaritaanka Ciidamadda, ayaa sheegay in Ciidamadda ay si gaar ah u bartilmaameedsanayeen gaadiidka bajaajka oo mudooyinkii dambe wax lagu dhacayay.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili todobaadkaan Ganacsatada Suuqa bakaaraha ay walaac ka muujiyeen Tuugo habeen iyo maalin usoo dhigatay in ay hantidooda dhacaan.

Dhanka kale Taliska Booliska Dowladda Soomaaliya oo arintaan ka jaawabaya ayaa Ciidamo ka socda saldhigyadda Degmooyinka Warta-nabadda iyo Holwadaag waxa uu geeyay Suuqa Bakaaraha.