DHAGEYSO:-Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland oo war culus ku dhawaaqay

0

Shirka caadiga ah ee Golaha Xukuumada Jubbaland waxaa shir Gudoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay Xaaladaha Amniga Siyaasada iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa golaha u faah faahiyay Howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee Danab Jubbaland iyo Ciidamada Darawiishta oo iskaashanaya kuwaas oo ka dhacay Gobolka Gedo gaar ahaan duleedka Degmada Beledxaawo iyo deegaanka janaay Cabdalle wuxuu Madaxweynahu sheegay in howlgaladaas lagu dilay tiro katirsan Argagixisada kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka shacabka ah.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamadu ay sii wadi doonan howlgalada isla markana deegaano hor leh ay Ciidamadu tagi doonan.

Arimaha Siyaasada waxaa golahu uu soo dhaweeyay dadaalka Aqalka Sare uu wado kaas oo lagu xalinayo Khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay shirkii Caafimaadka iyo dabar jarka xanuunka dabaysha ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Kismaayo kaas oo Wasaaradaha Caafimaadka Jubbaland iyo kenya ay iska kaashanayaan sidii xanuunka dabaysha iyo dhamaan xanuunada faafa looga cirib tiri lahaa xuduudka Barnaamijkan ayaa dhawaan bilaaban doona.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadku waxay soo bandhigtay qorshaha daryeelka Ciidamada Jubbaland gaar ahaan qaybta dhismaha Isbitaalada Ciidanka oo wajigiisa ugu horeeya laga hirgalinayo Magaalada Kismaayo kadibna loo dhaadhicinayo Dhamaan Jubbaland si loo daryeelo Ciidamada Dowlada.

Wasaarada Hanaanada Xoolahana waxay soo bandhigtay qorshaha dhismaha kawaan weyn oo xoolaha Magaalada lagu qalo looga hirgalinayo Magaalada kaas oo Wasaaradu ay gacanta ku hayn doonto si fayadhowrku u noqdo mid Wanaagsan.