TOPNEWS:-Gudoomiyaha gobolka hiiraan oo digniin u diray dadka reer Hiiraan ee u Dacwad taga Maxkamadaha Al-Shabaab

0

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa uga digay dadka reer Hiiraan inay u dacwad doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab.

Yuusuf Dabageed oo shalay xilka la wareegay ayaa sheegay in tallaabo ka qaadi doonaan cidii dacwad u doonato Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada Booco iyo Luuq Jeelow oo Al-Shabaab maamulaan.

“Dadka Maxkamada u aada deegaanada Al-Shabaab waan xireynaa Shan kun oo dollar ayaan ganaaxeynaa iska aada Booco iyo Luuq jeelow,reer hebel ayaad tihiin cid idin soo qabaneyso majirtee iska aada Beledweyne ayaan ku kala baxeynaa” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada duleedka ka ah Beledweyne.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in maamulkiisa wax ka qaban doono arrimaha amni darada iyo isku dhacyada mararka qaar Ciidamada ku dhex mara magaalada Beledweyn.

Yuusuf Dabageed ayaa afar jeer oo hore loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana muddooyinkii u dambeeyay laga deyrinayay xaalada amniga Gobolka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Deegaanada Al-Shabaab maamulaan ayaa dadka u tagaan dacwado la xiriira muranada dhulka iyo kiisaska kale, iyadoo dadka laga dacweeyo looga yeero Maxkamadaha Shabaabka inay