SAWIRRO:-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta oo la kulmay Masuul ka tirsan Turkiga

0

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Soomaliya Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa kulan looga hadlay dhinacyo badan Turkiga kula qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Turkiga Dr.Cali Irbaash.

Mudane Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay isaga & wafdigiisa waxuuna xusay taariikhda lama ilaabaanka ah ee Dadka iyo Dalka Turkigu ku leeyihiin quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Cali Irbaash Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga ayaa xusay muhiimadda ay leedahay booqashada Wasiirka uu ku joogo Dalka Turkiga isagoo sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado dhanka horumarinta Barashada Diinta Islaamka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay iskaashi ku dhisan danaha labada Dal oo dhaxmara Soomaaliya iyo Turkiga.

“ Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa isbarbar taagga iyo hiilka uu markasta noo hayo Turkiga, anaga oo ka faa’idaysan doono fursadaha iskaashi dhanka horumarinta Barashada Diinta & Horumarinta Xarumaha Barashada Diinta, waxaana mustaqbalka balaarin doonaa xiriirka iskaashi” ayuu yiri wasiir Xildhibaan sheikh Nur Mohamed Hassan.

Ugu damabayn, Wasiir Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa xusay inay muhiim tahay in Soomaaliya laga caawiyo horumarinta xarumaha barashada Diinta iyo Tababaridda Imaamyada, Khadiibyada, macalimiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda.