Faarax Macalin oo ku eedeeyay Mareykanka inuu xado Macdanta Soomaaliya

0

Siyaasiga Faarax Macalin Dawaara ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu si qarsoodi ah u xado Macdanta Soomaaliya, iyadoo diyaarado xamuul ah habeen kasta ka qaadaan garoomada diyaaradaga Muqdisho iyo Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in habeen kasta 3-da habeenimo ay diyaarado Milateri oo ah kuwa xamuulka ah oo uu Mareykanka leeyahay ay ka qaadaan garoomada diyaaradaha Muqdisho iyo Balli-doogle macdan laga keeno Buurhakaba iyo Baraawe.

“Habeen kasta 3-da habeenimo diyaarado kuwa xamuulka ah oo uu Mareykanka leeyahay ayaa isku dhaafa Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho iyo kan Balidoogle, iyagoo mugdiga ku gambanaya una socda meelo aan la aqoon, konteenaro min 40Ft ah ayaa sidoo kale laga soo daabulaa Buur Hakaba ilaa Barawe waxa ay xadayaana waa macaadin”ayuu yiri Faarax Macalin oo horay u soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre inay la socdaan waxa dalka ka socda, maadaama ay u dhaarteen inay dib u soo celinayaan madax banaanida Soomaalida.

Ma jirto cid xaqiijin karta warka ka soo yeeray Faarax Macalin, iyadoo Ciidamo Mareykan ah ay saldhig ku leeyihiin Garoonka Balli-doogle, oo ay ka kacaan diyaaradaha kuwa aan duuliyaha laheyn iyo diyaarado milateri ah.

Faarax Macalin ayaa ka mid ah taageerayaasha ugu weyn ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu tilmaamaa siyaasi inta badan abuura warar murano dhaliya oo aan ka fiirsi laheyn, waxaa uu dhowaan sheegay in dowladda Kenya ay bil walba ku bixiso hal milyan oo dollar Ciidamada Jubbaland, inkastoo ay beenisay Jubbaland.