TOPNEWS:-Bangiga Adduunka oo 30 sano kaddib u oggolaaday Soomaaliya deeq lacageed

0

Bangiga aduunka ayaa oggolaaday in lacag gaareysa $80 malyan oo dollar lagu taageero dowlada Soomaaliya, si ay ugu maalgeliso dib u habeynta dhinaca maaliyada, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay muddo soddon sano ah ee uu bangiga adduunka lacag siiyo dalka Soomaaliya.

Bangiga adduunka oo xaruntiisu ku taal magaalada Washington ayaa joojiyay lacagihii uu siin jirey dalka Soomaaliya, kadib markii uu dagaal sokeeye ka qarxay sanadkii 1991kii,

Hase yeeshee Bangiga adduunka ayaa soo celiyay xiriirka uu lahaa dowlada federalka Soomaliya sanadkii 2013kii.

Lacagtan oo ah lacag amaah ah ayaa bangigu sheegay in uu la shaqeyn doono dowlada xarunteedu tahay Muqdisho si loo horumariyo arrimaha waxbarashada,daryeelka caafimaadka,biyaha nadiifka ah,korontada iyo maalgelin la siiyo shacabka Soomaaliyeed.