DHAGEYSO:- Saraakisha DFS oo ka hadlay Dilaalkii ugu dambeyey ee Muqdisho kadhacay

0

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa ka hadlay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxaana uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada laga doonaayo in ay qaadaan tilaabo.

G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxaa uu sheegay in dilalka ay sababta ay u bateen in ay tahay Ciidanka dowladda oo gabay Shaqooyinkii loo idmay sidda in ay sameeyaan howlgallo.

Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in Ciidanka xoogga dalka ay bilaabaan howlgallo si aysan Al-Shabaab ugu mashquulin laynta dadka Shacabka ah.

Wuxuu sheegay ciidamada inay u baahan yihiin hoggaamin iyo in la dagaal galiyo, balse aysan u baahneyn in Magaalo lagu dhex haayo, haddii Magaalada lagu dhex haayana ay dhacayaan falalka hadda dhaca.

“Gabar Fasalkeeda dhiganeysa oo jaamacad Ku jirto, weliba diinta Islaamka baraneysa in la kor tagaa oo la dilaa fadhigeenna keenay, Ciidan gaadiid wata oo Magaalada dhex jooga rasaas inay ku furaan baabuurka ka horeeya iyo midka ka dambeeya ciidanka Magaalada lagu dhex haayo ayaa sabab u ah.” ayuu yiri Shuute.