SAWIRRO:-Madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb galay Ciyaarta ka dhacday Garoonka Banaadir Stadium

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ku guuleysteen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Shibis dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu soo dhabar adayggeen in ay soo gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shahaadooyin maamus ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ku hawlannaa tartanka tan iyo markii uu bilowday, ayaa ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen nabadda iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol  ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banadir oo xilli habeennimo ah la qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay daawashadeeda kumannaan shacab ah, iyadoona kooxda degmada Waaberi ay 1:0 kaga guuleysteen xulka degmada Shibis.