DHAGEYSO+SAWIRRO:-C/kariin Qalbi Dhagax oo gaaray magaalada Hargeysa

0

C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland.

Qalbi Dhagax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cigaal ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada siyaasadda Somaliland iyo dad kooban.

C/kariin Sheekh Muuse ayaa hadal uu siiyay warbaahinta ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhoweeyay Hargeysa, isagoo sheegay Madaxda ONLF ay maalmaha soo socda imaan doonaan Hargeysa.