Abaanduulaha Ciidanka xoogga oo sheegay in la isku furay wadada xeebta ee Muqdisho iyo Marka

0

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in la isku furay wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, kaddib markii Al-Shabaab laga saaray deegaano dhaca Xeebta.

Jen. Odawaa ayaa sheegay in Al-Shabaab wadada ka geysan jirtay dhibaatooyin kala duwan, waxaana uu balan-qaaday ammaanka wadadaas inay ka shaqeyn doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in intii howlgalka uu socday ay khasaare fara badan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo maalmihii la soo dhaafay howlgalo ka waday wadada xeebta ayaa la wareegat deegaanada Gendershe, Dhanaane, Jilib Marka iyo deegaano kale.

Howlgalka ka socday jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Marka ayaa waxaa kaliya fulinayay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.