SAWIRRO:-Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo Kulamo La Leh Madax Ka Socota Caalamka

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka qeybgalayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu qabto xarunta UNka ee New York.

Waxa uu wasiirku shirkan ku matalayaa dowladda Soomaaliya isaga oo jeedin doona qudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin lahaa Shirka madaxda aduunka ee qaramada Midoobay.

Dhanka kale wasiirka ayaa  kulan la qaatay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka kuwaas oo ka kala yimid goboladda dalkan, waxayna kawada hadleen arimo baddan oo la xariira marxalada uu ku suganyahay dalka Soomaaliya, kaalinta Jaaliyada, isku xirka Qurba joogta iyo Horumarka dalka.