DHAGEYSO:- Yariisow”Waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xabsiga ay kasii daayaan dadkii gubay Axmed Dowlo mana ka yeeli doono”

0

Guddoomiyah Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa waxa uu booqday Qoyska Marxuum Axmed Dowlo ee dhawaan la dilay lana gubay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyey dilkaas Gacanta lagu haayo,isla markaana ay jiraan xildhibaan iyo Siyaasiyiin doonaya in la siidaayo.

“Waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xabsiga ay ka siidaayaan dadkii gubay Axmed Mukhtaar,mana ka yeeli doono,waxaan idiin sheegayaa inay cadaalada mari doonaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba.