DHAGEYSO:- Xaaf ”Khilaaf kama dhex jirro Galmudug Madaxtoyada Muqdisho shida laga shidaya”

0

War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay inaysan jirin wixii ka dambeeyey 18-kii bishan September khilaaf ka dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Hayeeshee waxa hadda jira laga soo abuubulay Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana Galmudug u baahneyn in xalinteeda Muqdisho loo soo aado balse ay u baahan tahay in laga daayo faragelinta.

Geba gabadii qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonayey inay ka warsugto guddigii Aqalka sare ee yimid Magalada dhuusamareeb.