Akhriso:-ku dhawaad 20 ka tirsan maleeshiyaadka shabaab oo lagu dilay Jubada Hoose

0

Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay weerar ku qaadeen dagaalamayal ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Degaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60 KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada hoose.

Taliyaha ciidanka Danab ee Maamulka Jubbaland Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Weerarka ay ku dileen 17 Dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in hub ay ka soo qaateen shabaabkii ay weerareen.

Shacabka ayuu  ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland, si Al-Shabaab looga Saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay kordhiyeen Weerarada ay ku qaadayaan dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan Gobalka Jubada hoose.