Akhriso:-Koox hubeysan oo Dil iyo dhaawac ka geystay Boosaaso.

0

Koox hubeysan ayaa askari ka tirsan Maamulka puntland Waxaa ay  ku dileen gudaha magaalada, halka mid kalana ay dhaawaceen

Dilka iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay agaga gaarka Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay ka baxsadee.

Ciidamo ka tirsan Puntland oo goobta tagay ayaa waxaa ay halkaasi ka bilaabeen baaritaano.

Magaalada Boosaaso ayaa Xiligan Waxaa ku sugan Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli  Maxamed Cali Gaas.