SAWIRO:- Shir looga hadlayeey Adkaynta Amniga Gobalka Mudug oo Gaalkacyo lagu soo gabgabeyeey

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lagu soo gabagabeyey Shir ay soo qaban qaabiyeen Maamulka gobolka Mudug iyo Dhalinyarada kaasoo lagu muujinayey sida uu u wanaagsanaaday xiriirka labada Maamul ee gobolka Mudug Kaasoo Dhalinyaro iyo Maamulba ay isku mid u noqdeen.

Gabagabada Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa labada Gudoomiye gobolka kan degmada labada dhan dhalinyaro iyo Aqoonyahan ka socday labada Dhinac ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kuwaasoo dhamaan muujiyey siday muhiim u tahay in laxoojiyo Amniga Gobolka Mudug iyo isku socodka Bulshada walaalaha ee kunool magaalada Gaalkacyo.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Horjoogayaasha dhalinyarada Puntland iyo Galmudug iyagoo dhamaan soo jeediyey sida dhalinyaradu nabada ay ugu tahay Tiir dhexaad iyagoo ku nuux nuuxsaday in dhalinyaro marwalba loo adeegsado wax kasta oo ka dhacaya gobolka Mudug lagana soo wadda jeesto si isku mid ah.