Mid ka mid ah wasiirada puntland oo iscasilay

0

Dr Cali Cabdullaahi Warsame  Wasiirkii degaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay ka dib muddo dheer oo uu wasiir ka ahaa xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Is casiladiisa, waxaana la sheegay sababaha uu isku casilay in ay ka qeyb ka tahay Khilaaf soo gala dhex galay Madaxweyne Gaas iyo  Cali.

Dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajahay Fadeexad ka dhalatay saddex mashruuc oo dhamantood muhiimad  u lahaa Shacabka Puntland, oo ay ku jiraan Labo mashruuc oo ay dawladda Jarmalku ka hirgalinaysay Puntland oo joogsaday.