Madaxweyne ku xigeenka galmudug oo soo dhoweeyay shirka uu ugu baaqay madaxda Galmudug Madaxweyne Farmaajo

0

War Saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey ayaa lagu sheegay inuu soo dhoweynayo shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo shirkaasina uu qaadacay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudu Maxamed Cabdi Xaashi Carabey ayaa war saxaafadeedka uu soo saaray waxa uu ku sheegay in khilaafka ka jira maamulka Galmudug uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Galmudug Xaaf.

Khilaafka ka dhex jira madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid maalin maalinta ka dambeysa uu sii galayo marxalad adag iyadoo labada dhinac ee isku diidan siyaasada Galmudug ay midi midi ku taag noqotay.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.