Ciidanka Xoogga oo Gurmad u fidiyey Qoysas danyar ah oo Naftooda Kooxda Alshabaab kala soo baxsaday

0

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaa Taliska 12-April ee ku sugan gobolka Sh/hoose ayaa gargaar u fidiyey Boqolaal qoys oo Nabad diidka Kooxda Alshabaab ay ka barakaciyeen Guryahooda, kadib markii Kooxdaasi ay u geeysteen dhibaatooyin kala duwan.

Qoyaska Nabad diidka barakacay ayaa markii ay soo gaareen xarumaha ciidanka Xoogga ee ku kala  yaalla dhanaane iyo deegaano kale waxay u qeybiyeen gargaar ka kooban Raashin, Kalluun, Timir, Buskut iyo Cabitaan.

Maleeshiyada Alshabaab, ayaa sidoo kale qoysaskaasi danta yar ku amray inay keenaan caruurtooda si ay ugu adeegsadaan is qarxinta iyo dagaalada ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ee aan waxba galabsan.

Ciidanka 12ka-April ayaa isbuucii hore Maleeshiyada Nabad diidka ah Alshabaab ka xoreeyey deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, waxaana hadda ay wadaan Abaabul kale oo Argagixisada uga sifeynayaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay kaga dhuumanayaa gobolkaasi.