QORMO:- SHAN SHAR LA DOONAY SHACABKA SOOMAALIYEED DAWLADNIMADOODA HANA QAADAY

0

SHan shaydaan oo shar la doonay wada jirka iyo midnimada iyo dawladnimada umada soomaaliyeed ayaan wax yar idin dareen siin waxay yihiin. Dalkeenu waxa uu soomaray dagaalo sokeeye oo macno dara ahaa iyo khasaare uun.waxa sal u ah in khasaarahaasi noqdo mid aan lasoo xakamayn,oo aan lasoo afjarin ayaa ah dalkeena oo galay xaalad maqnaansho dawlo. Xasuusnow kol haday dhacdo oo dal ay ku dhacdo xaaladaas dawlad la aaneed,waxaa dhasha arin ah fawdo iyo jaantaa rogan oo ah nin walbaa in uu dilo kuu ka itaal roonaado,ka xoog badan yahay markaa,dhaco,kufsado,in dadku u dhaqmaan qaabka duurjoogta is cunaysa ee aan lahayn sharci iyo nidaam kala haga.

Hadii lawaayo sharci iyo booliis iyo maxkamado iyo kala danbayn dawladnimo waxaa abuurma in dadku iscuno,caqliguna shaqayn waayo. hadaba ogoow in aan dawladnimo aadamuhu ka maarmin.Inaga soomaalida ah wali maynaan garan qiimaha dhabta ah ee dawladnimo,laakiin caalamku waxa uu ugu mintidayaa dawladnimadiisa oo shacab walbaa u ilaashanayo dalkiisa una taageerayo dawladnimadiisa iyo qaranimadiisa ayaa waxay tahay waxay garanayaan waxa ka dhasha hadii lawaayo oo ay meesha ka baxdo dawladnimadu.

Dalkeenu si kumeel gaara ayuu usoo socday marba marka ka danbaysa in uu helo oo sooceliyo sharcigii iyo dawladnimadii aynu iska burburinay nasiib daro.wax la soo dadaalaba waxaa dalkeena ka dhashay 2017 dawlad uu garwadeen ka noqday Madaxweyne Farmaajo oo ah nin dal iyo dibadba umada soomaaliyeed la dooneen in uu noqdo madaxwaynaha soomaaliya.Sababta uugu wayn ayaa ah in Madaxweyne Farmaajo la bartay kartidiisa iyo niyad samaantiisa iyo wadaniyadiisa qodada dheer leh,lixigii uu dalkeena ka ahaa raysal wasaaraha. shacabka soomaaliyeed waxay ku raali noqdeen lixdii bilood sidii uu umaamulay dalka,isagoo ku sifoobay,la dagaalanka musuqmaasuqa,eexda iyo qaraaba kiilka. farmaajo waxa uu yahay waa mid shacabka soomaaliyeed ogyihiin kuna doorteen caalamkii oo dhan ay uguuxeen gaalo iyo islaamba.

Dalkeenu waxa uu leeyahay Raysal wasaare haldoor ah oo isku darsaday karti shaqo geesinimo iyo wadan jacayl buuxa isagoo ah wadani hore isagoo kale uusan waayadan inoo soomarin.xukumad hufan,baarlamaan qaabaysan oo u badan rag iyo dumar leh damiir ay uugu shaqeeyaan dalkoodan dawlad la aantu daashatay. dawlada maanta jirta ee soomaaliyeed waxay ka qaab iyo ha naan wanaagsan tahay dawlado badan oo caalamka ah,waxaana taa u qiray caalamka.

Caasimada dalkeenii waa nabad marka loo eego halaagii aynu ka soo gudubnay,maantana nabad la gu diirsaday oo shacabkii soomaaliyeed ku faraxsan yihiin dal iyo dibad ayaa ka jirta.sharafkiii caasimada soomaaliya ayaa soo noqday.Arimahan umada soomaaliyeed waxa la gudboon in ay uugu horayn u mahad celiyaan qiraana nabada ay haystaan oo illaahay siiyay,kadibna ay u mahad celiyaan dawladoodan ugu adeegtay sidaa ee u taagan danta shacabka habeen iyo maalinba.

Hadaan usoo noqdo shanta shaydaan ee ibliis horkacayo,waxaa ku dhacay jab xoogleh kadib markii Gabre galbaday! hadafkooduna waxa uu yahay in ay fuliyaan dardaarankii Ibliis ee ahaa dalka soomaaliya yaysan ka hana qaadin dawlad shaqaysa.shaynta shaydaan ee midabkoodii dhabta ahaa hada soo daahiray,waxay rabaan in dalkeena aysan ka dhalan dawlad xoogleh oo hanata bad iyo bari iyo cirba,waxayna u taagan yihiin in dalkeenu ahaado dawlado yaryar oo leh madax weynayaal oo ku dhisan qaab kala qoqoban kuwaas oo aan marnaba ogolaan in lahelo dawlad soomaaliyeed dibdanbe.

Waa fikirkii taliskii tigreega ee gabalkiisii dhacay. shanta shaydaan iyagu heshiis maha marka laga reebo waxa loo diray oo ah la dagaalanka dawlad soomaaliyeed iyo kala ilaalinta in shacabka soomaaliyeed ka baxaan qabiil oo qaran noqdaan.si iyagu ay xukunka ku sii joogaan dadka waxay isugu dirayaan hab qabiil.

Kadabkooduba waxa uu go ay oo cimrigoodii soo yaraaday,markay isu tageen oo ay umidoobeen in la dumiyo dawladan soomaaliyeed ee hana qaaday shacabkuna jecelyahay.waxay dhawaceen quluubtii shacabka soomaaliyeed kadib markay dib u xusuusiyeen dhibaatadii dawlad la aan dagaaladii sokeeye iyo silicii soomaali soo martay. waxay caayeen sharafkii shacabka soomaaliyeed oo ay ka dhigayaan dad aan lahayn dawlad sharaf dal caasimad iyo madax intaba. waxay amaanayaan dalalka dariska inala ah sida ethiopia iyo kenya oo leh dawlado iyo sharaf.

shanta shaydaan maha in dawladu qabato waa in shacabka soomaaliyeed ee gobolada dagani ugu dhacaan guryahooda cadawgaan gaamuray ee hortaagan in soomaaliya dawlad ahaato shaqaysa.maha in shacabka soomaaliyeed laabtaan gacmaha kolka cadawgu ina weeraraayo! hadana waxay la qaylinayaan waa doorashooyinka ka dhacaya gobolada ay ku sugan yihiin,oo ay is ogyihiin in aan la dooranayn maxaa yeelay awlaba lama dooran ee tigree ayaa ku hayay kana dhigtay wakiil.hadana tigreegii duruufaa ahaysta sidaa daraadeed shacabku ma doonayaan shanta shaydaan ee sharka soomaaliya u midoobay.

Waacadaw markay ogaadeen inay baxayaan ku heshiiyay in ay galaaftaan umada soomaaliyeed oo qas galiyaan iyo dawalad la aan.shacabka soomaaliyeed maha in nimankaan ay baxsadaan waa in la qabtaa sharcigana la mariyaa waana waajib in aynu dalkeena ka qabano kuwa ku ciyaaraya ee gumaysiga ina galinaya.

Baarlamaanka soomaaliya rag xubno ka ah ayaa maalmahan ku hadlaya hadal ka baxsan dublamaasiyada oo khatar ku ah qaranimadeena kana soo horjeeda hadafka siyaaso ee dalkeena dantiisa ah.waxay u hadlayaan sidii inaysan dalkan u dhalan oo ay yihiin dawlado shisheeye oo ah kuwa cadawga inoo ah. sidaa daraadeed xildhibaanka leh mogdisho nabad maha waa cadaan in uu jiro cid uu u adeegayo waayo intareeska iyo danta dawlada soomaaliyeed sidaa maha,markaa muxuu doonayaa weeye? yuuse yahay? waa garan karaa shabaab iyo kuwan afka duuban in hadafka ay wax u dilayaan yahay mogdisho nabad maha dawladna majirto, kolkaa waa shaki wayn in xildhibaan nimankaa la hadafnoqdo oo khadkoodii raaco.Xildhibaan Fiqi waxa u yiri Somaliya uma baahna wasaarada gashaandhiga waa fikirkii Sanaawi aaminsanaa in Somaliya aysan yeelan wasaarad gaashaandhig iyo ciidanka xooga.

Waxaana larabaa in la fahmo mucaarad waa maxay? mucaarad waa dhise iyo toosiye dawladiisa maha dumiye dawladiisa iyo danaha dalkiisa.xildhibaanada arinkaa dhaafsiisan yay u adeegayaan weeye shakiga uugu wayn ee socdaa? hadaba hawlaha dawladnimo waa lakala leeyahay waxaa arimahaan qaabilsan Nabadsugida qaranka iyadaan laga rabaa in xildhibaanada ka soo horjeeda jiritaanka umada soomaaliyeed meel saaraan ciday u adeegayaan. dalkeena waa waajib in aan ilaashanaa,waxaana hubaal ah oo shaki ku jirin in ay jiraan xubno baarlamanka ah oo xogta dalkeena ugudbiya sirdoon reer yurub ah iyo kuwo afrika ah iyo kuwo carab ah tan waa shaqo nabad sigid iyo dabagal.

Shacabka soomaaliyeed waa in aan ilaashanaa dawladnimadeena kana hortagnaa cadawgeena gudaha ah iyo kan dibada ah. Mogdisho waa caasimadeenii waa nabad,soomaaliya waa dal jira oo xor ah leh dawlad.shacabku waa in uu dawlad nimadiisa ilaashadaa cadawgana u gacan galiyaa dawlada.soomaaliya maha shan dawladood oo leh shan madaxweyne,soomaaliya maha dawlado qabiil oo yaryar reerba meel taagan yahay,soomaaliya waa hal dawlad hal madaxweeyne hal calan hal dad iyo hal diin iyo hal af.

W/Q yuusuf Cumar